
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, oo kaashanaysa UNICEF, ayaa magaalada Kismaayo ka furtay shir wadatashi oo diiradda lagu saarayo kordhinta gaarsiinta adeegyada tallaalka iyo xoojinta ka-qaybgalka bulshada.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen, agaasime-waaxeedyada, madax qeybeedyada, mas’uuliyiinta Wasaaradda ee heer gobol iyo heer degmo, culima’u diin, bahwadaagta Wasaaradda iyo wakiillo ka socday bulshada.
Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada tallaalka, kor u qaadista wacyiga bulshada iyo sidii adeegyada tallaalka loo gaarsiin lahaa carruurta aan weli helin ama aan dhammaystiran tallaalladooda.
Madashu waxay fursad u tahay wadaagista caqabadaha hortaagan adeegyada tallaalka iyo ka-wadatashiga xalal ku habboon baahiyaha bulshada, iyadoo la xoojinayo doorka bulshada ee qorshaynta iyo hirgelinta adeegyada caafimaadka.
Wasaaradda Caafimaadka Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta caafimaadka carruurta iyo horumarinta adeegyada tallaalka, iyadoo wadashaqayn dhow la yeelanaysa bahwadaagta iyo bulshada.
Tallaalku waa difaac iyo badbaado. Aan wadajir u xaqiijinno in ilmo kasta helo tallaalka uu xaqa u leeyahay.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







