Taliyaha daraawiishta Jubbaland oo kormeeray dhismaha waddada Kismaayo iyo Afmadow.

0
2
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, Sarreeye Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane, ayaa booqasho shaqo ku tagay deegaanka Soya, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Taliyuhu wuxuu qiimeeyay halka uu marayo dhismaha waddada, gaar ahaan buundooyinka iyo biyo-mareennada loogu talagalay in biyaha roobku si habsami leh uga gudbaan waddada, loogana hortago waxyeellada fatahaadaha.
Waddadan oo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo gaadiidka ayaa la filayaa inay fududeyso ganacsiga, gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah iyo kobaca dhaqaalaha Jubbaland marka la dhammaystiro.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, Sarreeye Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane, ayaa kulan la qaatay ciidamada ku sugan deegaanka Soya, isagoo kula dardaarmay adkeynta amniga, ilaalinta nabadgelyada iyo gudashada waajibaadka loo igmaday.
Taliyuhu wuxuu ciidamada ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, isla markaana ay door muuqda ka qaataan ilaalinta shacabka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Jubbaland.