
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta deegaanada waqooyiga magaalada Kismaayo ka daahfuray munaasabadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dabaysha (World Polio Day 2026).
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wacyigelinta bulshada, dhiirrigelinta tallaalka iyo dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Kismaayo, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Xuska sanadkan ayaa si ka duwan sanadihii hore loo qabanayaa, iyadoo xoogga la saarayo ka-qaybgalka bulshada iyo gaarsiinta farriimaha caafimaadka dadweynaha, gaar ahaan muhiimadda tallaalka iyo doorka uu ku leeyahay ka-hortagga cudurka dabaysha.
Mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay in ciribtirka cudurka dabayshu uu u baahan yahay wadajir iyo iskaashi dhex mara dowladda, hay’adaha caafimaadka, bahwadaagta, ururrada bulshada rayidka ah iyo shacabka. Waxay waalidiinta iyo daryeelayaasha ugu baaqeen inay xaqiijiyaan in carruurtoodu helaan tallaallada loogu talagalay, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan shaqaalaha caafimaadka iyo kooxaha tallaalka.
Maalinta Caalamiga ah ee Dabayshu waxay bulshada xusuusinaysaa muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu ciribtirayo cudurkan. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa bulshada ugu baaqday inay si firfircoon uga qaybqaataan dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka carruurta, laguna xaqiijinayo mustaqbal ka caaggan cudurka dabaysha.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







