
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa maanta soo xiray kulan aqoon-kororsi ah oo diiradda lagu saarayay sharciga caalamiga ah, muhiimadda uu leeyahay iyo ku-dhaqankiisa.
Kulanka waxaa ka qaybgalay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland iyo marti-sharaf kale.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta iyo fahamka saraakiisha ee sharciga caalamiga ah, si loo xoojiyo xirfadahooda shaqo, gudashada waajibaadkooda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Gabagabadii kulanka, Agaasimaha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda barnaamijyada aqoon-kororsiga iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo saraakiil leh aqoon, xirfad iyo faham wanaagsan oo ku aaddan waajibaadkooda shaqo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







