Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Jubbaland oo qabatay shir-weynaha wadatashiga labaad ee Xeerka Caafimaadka Xoolaha

0
3
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland ayaa qabatay shir-weynaha wadatashiga labaad ee Xeerka Caafimaadka Xoolaha, kaas oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubbaland, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,
Agaasimaha Guud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Caddaaladda, khubaro caafimaadka xoolaha, iskaashatooyinka xoolo-dhaqatada iyo shaqaale ka socday wasaarado kala duwan, wakiilo ka socdey hay’adda Mercy Corp, oo Wasaaradda kala shaqeynayey sharciga xanaanada xoolaha.
Shirkan ayaa muhiim u ah xoojinta nidaamka caafimaadka xoolaha, tayeynta adeegyada caafimaadka xoolaha, ilaalinta caafimaadka bulshada iyo horumarinta xoolaha oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo nolosha bulshada reer Jubbaland.
Wasaaraddu waxay ka go’an tahay horumarinta sharciyada iyo siyaasadaha lagu ilaalinayo caafimaadka xoolaha, laguna horumarinayo xoolo-dhaqatada iyo guud ahaan dhaqaalaha Jubbaland.