Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhameystiri doonto xeerarka Shidaal baarista

419

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa maanta ka qaybgalay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo looga hadlay horumarada laga gaaray arrimaha batroolka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka  dalkeenna si waafaqsan sharciga.

Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa ka qaybgalayaasha shirka la wadaagay in wasaaradda Batroolka iyo macdanta ay soo dhamaystiri doonto xeerarka hortabinta u leh soo saarka shidaalka.

Waxaa sidoo kale  Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS shirka uu ka sheegay in la dedejiyo ansixinta sharciga canshuuraha ee kheyraadka ku jira dhulka hoostiisa oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Ansixinta Sharcigan waxuu ka mid yahay sharuudaha ku xiran dhamaystirka dayn cafinta.

Shirka sidoo kale waxa goobjoog ahaa  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Maxamad Xaashi Carabeey.

Ugu danbeentii Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa u-mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ahaa shir-guddoonka iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha kale sida Bangiga Adduunka , IMF, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyo Labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.