Wasaaradda Caafimaadka oo kormeer ku sameysay xarumaha caafimaadka waqooyiga Kismaayo.

0
8
Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Kismaayo, Mudane Maxamed Sheekh Aadan, qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka degmada iyo masuuliyiin ka socotay hay’adaha JUCRI iyo ABC, ayaa booqasho shaqo iyo kormeer ku gaaray qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee deegaannada hoostaga degmada Kismaayo ee dhanka waqooyi ee Gobolka Jubbada Hoose.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda xarumaha caafimaadka, adeegyada bulshada iyo heerka diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan khataraha la xiriira roobabka, fatahaadaha iyo xaaladda El Niño.
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay qiimeeyeen goobaha loogu talagalay in lagu bixiyo adeegyada caafimaadka xilliyada xaaladaha degdegga ah, iyadoo si gaar ah loo eegay qaybaha dhalmada ee la qorsheeyay in laga hirgeliyo laba goobood, oo ay kamid tahay Xarumaha istaanbuul iyo Baxnaano si hooyooyinka iyo bulshada loo gaarsiiyo adeegyada caafimaad ee muhiimka ah.
Kormeerka ayaa sidoo kale lagu eegay goobaha loo asteeyay dadka laga yaabo inay ka barakacaan fatahaadaha, iyadoo la qiimeeyay baahiyaha jira iyo heerka diyaar-garowga xarumaha caafimaadka.