Maamulka degmada Afmadow oo kormeeray furista marinada biyaha Lagta Lag-dheera

0
10
Guddoomiyaha Degmada Afmadow ahna Duqa Magaalada, Cabdiraxmaan Macallin Cali (Xaaji Maaji), oo ay weheliyaan Agaasimaha Maaliyadda iyo Taliyaha Nabadd-sugida Degmada, ayaa kormeer ku tegay dhammaan marinada lagta lag- dheera, halkaas oo ay ka socoto shaqo baaxad leh.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dardargelinta qorshaha lagu furayo dhulka duurka noqday kaas oo ahaa isha ay biyaha lagta lag- dheera ku qulqulaan.
Arrintan ayaa muhiimad gaar ah leh Degamda iyadoo dhawaan laga digay saameynta ay roobabka Dayrta iyo fatahaadaha El Niño ku yeelan karaan degmada.
Maamulka Degmada Afmadow ayaa ka shaqeynaya sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka iyo khasaaraha la saadaalin karo ee ka dhalan kara fatahaadaha, iyadoo mudnaan la siinayo furista marinada biyaha iyo diyaar-garowga xilliyada roobabka.