Wasiirka Wasaarada Gargaarka Maareynta IYo Musiibooyinka Jubbaland Oo Nairobi Kula Kulmay Xubno Kasocday Midowga Yurub

591

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Cabdirahman Cabdi Axmed ayaan maanta xarunta Midowga Yurub ee Nairobi kulan kula qaatay madaxa arrimaha farsamada ahna ku xigeenka arrimaha Gargaarka u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kala hadlay mas’uulkan qodobadan xoos ku xusan:

1. Derdergalinta ka jawaabista arrimaha abaaraha ee deegaanada Jubaland.

2. Hergelint qorshaha kaydka cunada ee Dowlada Jubaland (Strategic Food Reserve).

3. Taageeridda qorshaha 5 ta sana ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubaland.

4. Xal waara u helidda musiibooyinka soo noqnoqda.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa uga mahadceliyay taageeridda Midowga Yurub, European Union in Somalia ay u fidineeyso shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa jubaland.