Wasaaradda Caafimaadka Jubaland oo Kismaayo ka furtay tababar ku saabsan ka hortagga iyo daaweynta duumada

0
2
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa isbitaallada gaarka loo leeyahay ee magaalada Kismaayo u qabatay tababar ku saabsan ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta cudurka duumada, iyadoo sidoo kale kormeer iyo qaybin daawooyinka duumada iyo qalabka baaritaanka (RDTs) lagu sameeyay.
Kormeerka waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Dr. Suleyman Abdiwahid, Madaxa Duumada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Abdikadar Mohamed Ali, iyo masuuliyiin heer state iyo Degmada Kismaayo.
Ujeeddadu ayaa ahayd in la xoojiyo adeegyada baaritaanka iyo daaweynta duumada oo bilaash ah, kor loo qaado wacyigelinta shaqaalaha caafimaadka, lana helo xog joogto ah oo lagu xoojiyo la socodka iyo qorsheynta barnaamijka duumada.
Howshan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka Jubaland iyo UNICEF.