
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlada Jubbaland, Mudane Ugaas Cali Aadan (Sonkor) ayaa waxa uu kormeer shaqo ku tagay tuulooyinka dhaca jiinka wabiga Jubba ee ka tirsan degmada Kismaayo, kuwaas oo kala ah Qaamqaam, Yoontooy iyo Buula-gaduud.
Kormeerka wasiirka ayaa daarnaa u kuurgalida xaalada wabiga, maadaama laga cabsi qabo inuu ku fataho beeraleyda u dhaw jiinka.
dhanka kale, Wasiir ku xigeenka ayaa la kulmay beeraleyda degan deegaanadaas, isago faray inay muujiyaan feejignaan, diyaar-garowga hore iyo isku tashi bulsha oo ay kaga hortagayaan fatahaada, si loo yareeyo saameynta El-nino iyo khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan ee la filayo.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa wado dadaallo lagu xoojinayo diyaar-garowga hore iyo tallaabada hore, iyadoo biyo xireeno ka sameynayso goobaha uu wabiga ka jilacsanyahay.
Sidoo kale, waxaa iyagana dib u habeeyn lagu sameynayaa kaanaalada biyaha Beeraha waraabiyo meelaha ay ka nugul yihiin, kana fatihi karaan.
Ugu danbeyn, Mudane Ugaas Cali Aadan (Sonkor) ayaa bulshada la wadaagay in Wasaaradda Beeraha ay markasta garab tagantahay dadka beeraleyda ah, loona bahanyahay in iyaguna muujiyaan lahaanshiyo iyo isku tashi dadweyne.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







