Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland oo Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Sweden iyo UNICEF.

0
3
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland oo Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Sweden iyo UNICEF
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubaland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa xarunta Madaxtooyada Jubaland ku qaabilay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo ay wehelinayeen madax sare oo ka tirsan Hay’adda UNICEF, oo ay hoggaaminaysay Madaxa UNICEF ee Soomaaliya.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiirrada Caafimaadka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Haweenka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh bulshada Jubaland.
Mas’uuliyiintu waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta iyo horumarinta mashaariicda la xiriira gargaarka bani’aadantinimo, caafimaadka, waxbarashada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo taageerada bulshada nugul, iyadoo la isla eegay sidii loo dardargelin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad u ahaa in dhinacyadu is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan baahiyaha bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha Jubaland iyo bah-wadaagta caalamiga ah, si loo gaarsiiyo bulshada adeegyo wax ku ool ah oo waara.
Jubaland waxay muhiimad gaar ah siisaa iskaashiga hay’adaha caalamiga ah ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo iyo isbeddelka cimilada.