
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada, ayaa furay shir sannadlaha ah ee dhallinyarada oo loogu talagalay is-dhaafsiga macluumaadka, dhisidda shabakadaha iskaashiga ee udhexeeya deegaannada kala duwan, iyo kor u qaadista saameynta dhallinyaradu ku leeyihiin siyaasadaha.
Shirkaan oo soconaayo seddex maalin ayaa waxaa ka qaybgalaayo masuuliyiin ka kala yimid maamulada dalka – sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland, sidoo kale waxaa shirka qayb ka ah da’ayar sadexdaas maamul magaalooyiinkooda ka kala imaday – sida Gaalkacyo, Baydhabo iyo Cabud-waaq.
Waxaa qabsoomida madashan muhiimka ah gacan weyn ka geystay hay’adaha kala ah LPI iyo SPL, kuwaas oo ka hawlgala deegaanada Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







