Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Jubbaland iyo UNDP oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

0
4
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland, Mudane Caydid Sulayman Xashi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Aden Mohamed Hudle, ayaa magaalada Kismaayo kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP), oo uu hoggaaminayo Wakiilka Joogtada ah ee UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christopher.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland iyo UNDP, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta deegaanka, la-qabsiga isbeddelka cimilada, iyo horumarinta mashaariicda wax ka tari kara caqabadaha deegaanka ee ka jira Jubaland.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland iyo Hay’adda UNDP ayaa si wadajir ah uga soo shaqeeyay hirgelinta mashaariic kala duwan oo la xiriira ilaalinta deegaanka iyo wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada. Mashaariicdaas iyo dadaallada wadajirka ah ayaa door ka qaadanaya xoojinta awoodda bulshada iyo horumarinta xalal waara oo ku aaddan caqabadaha deegaanka.
Kulanka ayaa sidoo kale fursad muhiim ah u ahaa in labada dhinac ay dib u eegaan iskaashigooda, isla markaana ay ka wada hadlaan sidii loo sii ambaqaadi lahaa mashaariicda iyo barnaamijyada mudnaanta u leh Jubaland.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UNDP taageerada iyo wada-shaqaynta joogtada ah ee ay la leedahay Dowladda Jubaland iyo Wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo deegaanka, laguna xoojinayo adkeysiga bulshada ee Jubaland