
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland, Mudane Ceydiid Suleymaan Xaashi, ayaa shir guddoomiyay kulan fogaan-arag (Zoom) ah oo ay ka qeyb galeen Isku-duwayaasha Wasaaradda ee gobollada iyo degmooyinka Jubaland, iyo sidoo kale qaar kamid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladaha cimilada iyo u diyaar-garowga khataraha ka dhalan kara ifafaalaha Super El Niño, kaas oo saadaashu muujinayso inuu sababi karo roobab ka badan heerarkii caadiga ahaa iyo fatahaado saameyn ku yeelan kara bulshada, deegaanka, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah, gaar ahaan deegaannada ku teedsan webiyada.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu yareynayo khataraha musiibooyinka, isagoo faray dhammaan Isku-duwayaasha Wasaaradda inay dardargeliyaan wacyigelinta bulshada si kor loogu qaado fahamka khataraha la saadaalinayo loona xoojiyo heerarka diyaar-garowga ee bulshada iyo hay’adaha ay khuseyso.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay hababka ugu habboon ee lagu xoojin karo isku-duwidda dadaallada heer gobol iyo heer degmo, si bulshada loogu diyaariyo khataraha iman kara loona yareeyo saameynta ay ku yeelan karaan nolosha dadka iyo hantidooda.
Ugu dambeyntii, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay adkeynta wada-shaqeynta iyo isku-xirka howlaha Wasaaradda ee heerarka kala duwan, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu hormarinayo u diyaar-garowga, ka hortagga iyo yareynta khataraha la xiriira isbeddelka cimilada iyo fatahaadaha la saadaalinayo


Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Jubaland oo Shir Guddoomiyay Kulan Looga Hadlay U-diyaargarowga Khataraha Super El Niño

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







