Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo oo Kormeer iyo Calaamadeyn ku Sameeyay Goobaha Waddooyinka Cusub ee Waaxda Dalxiiska

0
4
Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta kormeer iyo calaamadeyn ku sameeyey goobaha ay mari doonaan waddooyinka laga hirgelinayo Waaxda Dalxiiska.
Duqa Magaalada waxaa kormeerka ku wehliyey injineerada Degmada iyo Guddoomiyaha Xaafada Waaberi, iyadoo la calaamadeeyey marinnada waddooyinka si loo diyaariyo hirgelinta waddooyin casri ah oo bulshada u fududeyn doona isku socodka.