
Ciidanka Kumaandooska Danab, kuwa dowladda Jubbaland oo kaashanaya duqeyn cirka ah oo ay Fuliyeen saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.
Intii uu socday howlgalka waxaa lagu burburiyay koox maleeshiyaadka oo ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku howlanaayeen diyaarinta iyo dhigidda miinooyin iyo waxyaabaha qarxa oo lagu bartilmaameedsanayo waddooyinka ay isticmaalaan Gadiidka shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta laguna xaqiijinayo amniga shacabka iyo isu-socodka bulshada iyadoo Ciidanka Kumandooska Danab XDS oo kaashanayaan saaxiibada caalamiga ah.
Ciidamada ayaa sii wadi doona hawlgallada ka dhanka ah kooxaha khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada dalka



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






