Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Jubbaland oo Gaaray Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

0
5

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubbaland, Mudane Abshir Mohamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wafdiga waxaa qayb ka ahaa Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Jubbaland ee gobolka Gedo, Axmed Kaafi, mas’uuliyiin ka socday hay’adda Trócaire iyo xubno kale.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka degmada Ceelwaaq, saraakiisha laamaha amniga, bahda caafimaadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.