Duqa Kismaayo oo guddoomiyayaasha xaafadaha kismaayo faray horumarinta nadaafadda, bilicda iyo amniga magaalada si weyn looga shaqeeyo

0
7
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Guddoomiyayaasha Xaafadaha Degmada Kismaayo.
Shirka ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafadda iyo bilicda magaalada, iyadoo xoogga la saaray sidii xaafaduhu door muuqda uga qaadan lahaayeen nadaafadda, bilicda iyo hagaajinta deegaanka.
Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa xoolaha nool ee mararka qaar lagu soo daayo waddooyinka iyo goobaha dadweynaha, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nadaafadda iyo bilicda magaalada.
Dhanka kale, Duqa Magaalada ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in guryaha ku yaalla magaalada lagu xiro nalal ku filan oo lagu iftiimiyo irdaha iyo hareeraha guryaha, si kor loogu qaado bilicda magaalada, loona xoojiyo amniga iyo badqabka bulshada.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa faray Guddoomiyayaasha Xaafadaha inay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo nadaafadda, bilicda iyo amniga magaalada.