Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland oo kormeeray xarumaha ciidanka daraawiishta dowladda Jubbaland ee deegaanka Buula-Xaaji.

0
6

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland, Jenaraal Ismaaciil Saxardiid Keydsane, oo ka mid ahaa wafdigii Dowladda Jubbaland ee gaaray deegaanka Buula-Xaaji ayaa kormeer  ku sameeyay xeryaha iyo talisyada ciidamada ee ku sugan deegaankaasi, kuwaas oo ku howlan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliyaha ayaa saraakiisha ciidamada ka xog-wareystay xaaladda amni ee deegaanka, howlaha ay hayaan iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga iyo ka hortagga falalka ay maleegaan kooxaha argagixisada ah.

Jenaraal Ismaaciil Saxardiid Keydsane ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaallada ay ku bixinayaan xoreynta deegaannada sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, isagoo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamadu ay si joogto ah uga feejignaadaan dhagaraha iyo weerarrada ay maleegaan kooxaha argagixisada ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada farey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta kala dhaxaysa shacabka iyo ciidamada, maadaama iskaashiga bulshada iyo laamaha amnigu uu muhiim u yahay sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.

Dowladda Jubbaland ayaa muddadii u dambeysay xoojisay dadaallada iyo howlgalada amni ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, iyadoo xoogga saaraysa xoreynta deegaannada weli ay kooxahaasi ku sugan yihiin, sugidda amniga guud iyo sidii shacabka loogu abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay ku noolaan karaan kuna horumarin karaan noloshooda.