
War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri:
Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa colaadaha iyo xasillooni-darrada uu Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayo deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waxaa nasiib-darro ah in, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira Argagixisada ay heli la’yihiin hub iyo saad ku filan si ay u difaacaan goobihii ugu dambeeyay ee ay Argagixisada kula dagaalamayeen, gaar ahaan gobolka Hiiraan, haddana hub iyo agab ciidan lagu daabulayo deegaanno nabdoon oo ay ka jirto amni iyo kala dambayn.
Tallaabooyinkan waxay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida, iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo wiiqaya horumarka muuqda ee laga gaaray amniga iyo dib u heshiisiinta magaalada Gaalkacyo muddadii tobanka sano ahayd ee la soo dhaafay.
Dowladda Jubaland waxay bogaadinaysaa baraarugga iyo midnimada ay muujiyeen Dowladda iyo shacabka Puntland, kuwaas oo si wadajir ah uga hortagay qorshahan guracan ee lagu burburinayo jiritaanka Puntland iyo amniga ay haystaan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







