Taliska Booliska Jubada Hoose oo Soo Gabagabeeyay Dood Lagu Xoojinayo Ka Hortagga Tacadiyada ka Dhanka ah Haweenka iyo Carruurta

0
95
Taliska Qeybta Booliska Gobolka Jubada Hoose ayaa qabtay dood-wadaag iyo aqoon-isweydaarsi socday muddo saddex maalmood ah, waxana ka soo qeyb galay Gudomiyaha Golaha Dhalanyarada iyo qaar ka mid ah uradada Dhalanyarada, booliska .kaas oo u dhexeeyay Waaxda Tacadiyada ka Dhanka ah Haweenka iyo Carruurta ee Booliska iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Guddiga PAC iyo ururrada dhallinyarada.
Dooddan oo ka dhacday Saldhigga Dhexe ee degmada Kismaayo ayaa diiradda lagu saaray sidii looga hortagi lahaa loona yareyn lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, isla markaana loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhexeysa booliska iyo bulshada.
Gunaanadkii doodda waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga bulshada iyo Booliska, si kor loogu qaado ka hortagga tacadiyada iyo ilaalinta amniga bulshada.
Sidoo kale, Laba Xiddigle Dahabo Mubaarak ayaa ka hadashay muhiimadda wada-shaqeynta bulshada iyo booliska, iyadoo ku boorrisay bulshada inay door muuqda ka qaataan ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta