Agaasimaha daladda bulshada rayidka Jubbaland oo Muqdisho kaga qayb galay tababar aqoon-kororsi oo Ku

0
98
Agaasimaha Daladda Bulshada Rayidka Jubbaland (JUNSAA), Mohamed Amin Mohamud, ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galaya tababar aqoon-kororsi ah oo uu soo qabanqaabiyay Machadka BRIDGE.
Tababarkan aqoon-kororsiga waxaa ay ujeeddadiisu ahyed dhisidda hannaan dimuqraadi ah oo loo dhan yahay, daah-furan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana horseeda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo shacabka ay kalsooni ku qabaan.
Tababarkan aqoon-kororsiga ah ayaa socon doona muddo afar maalmood ah, laga bilaabo 27-ka ilaa 30-ka Luuliyo, 2026, waxaana lagu falanqeyn doonaa mowduucyo la xiriira horumarinta hannaanka doorashooyinka, kobcinta awoodda hay’adaha iyo xoojinta ka qaybgalka daneeyayaasha si loo taageero geeddi-socod dimuqraadi ah oo waara.