
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ayaa maanta degmada Kismaayo ka daahfurtay tababar ku saabsan Maareynta Isku Dhafan ee Cudurrada Dhallaanka iyo Carruurta (IMNCI), kaas oo loo qabanayo shaqaalaha ka hawlgala xarumaha caafimaadka ee degmada Kismaayo.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Dr. Maxamed Bashiir Nur, oo si rasmi ah u furay tababarka. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Madaxa Qeybta Daryeelka Dhallaanka ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr Hani sheikh Cismaan, Madaxa Qeybta Caafimaadka Carruurta ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Salaama Jamal Cabdinaasir, Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Mudane Cabdirisaaq Saciid Jaamuus, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.
Tababarkan oo socon doona muddo 7 maalmood ah, ayaa waxaa ka qeybgalaya shaqaale caafimaad oo ka socda xarumaha caafimaadka ee degmada Kismaayo. Ujeedkiisu waa in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, kor loo qaado fahamka iyo adeegsiga hab-raacyada caalamiga ah ee IMNCI, iyo in la horumariyo awoodda shaqaalaha caafimaadka ee lagu baaro, lagu maareeyo, laguna daweeyo cudurrada ku dhaca dhallaanka iyo carruurta iyadoo la adeegsanayo hab casri ah oo isku dhafan.
Tababarkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland ay ku xoojinayso tayada adeegyada caafimaadka, dhallaanka iyo carruurta, iyadoo tahay in la yareeyo cudurrada iyo dhimashada laga hortagi karo, isla markaana la dhiso bulsho caafimaad qabta oo leh mustaqbal wanaagsan


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







