Wasaaradda xannaanada xoolaha Jubbaland oo qabatay tababar ku saabsan maareynta cayayaanka iyo cudurrada dhirta

0
94
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowlada Jubbaland, iyadoo kaashanaysa Mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada Soomaaliya (S-FSRP) oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, ayaa qabatay tababar ku saabsan Qorshaha Maareynta Isku-dhafka ah ee Cayayaanka iyo Cudurrada Dhirta (Integrated Pest Management Plan – IPMP).
Kulankan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Jubbaland, Mudane Abdullahi Ali Farah Aayatullaah, oo ka jeediyay khudbad uu ku sheegay muhiimadda mashruucan u leeyahay sugnaanta cuntada, horumarinta wax-soo-saarka, iyo ilaalinta deegaanka. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland, la siiyo wacyigelin ku saabsan hababka saxda ah ee loo maareeyo cayayaanka iyo cudurrada dhirta si loo yareeyo saameyntooda loona ilaaliyo caafimaadka dadka, xoolaha iyo deegaanka.
Tababarka waxaa ka soo qayb galay Howlwadeenada Wasaaraddaha , bulshada deegaanka, Masuliyiin ka mida ah Taabagaliyasha Mashruuca, daneeyayaasha kala duwan iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adaha ay khusayso hirgelinta mashruuca. Intii uu socday kulanka waxaa lagu falanqeeyay doorka bulshada ee hirgelinta mashruuca, muhiimadda Qorshaha Maareynta Isku-dhafka ah ee Cayayaanka iyo Cudurrada Dhirta (IPMP), iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhammaan dhinacyada ay khusayso si loo gaaro yoolalka mashruuca.