
Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga ee Dowladda Jubbaland ayaa degmada Doolow ku soo xiray tababar ku saabsan Iskaashiga Booliska iyo Bulshada (Community Policing), kaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha amniga iyo bulshada si loo adkeeyo nabadda iyo amniga deegaanka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Doolow, Aadan Barre Cali, oo si rasmi ah u soo xiray tababarka, ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay door muhiim ah ka qaataan sugidda amniga iyo xasilloonida bulshada.
Waxa uu xusay in iskaashi dhow oo u dhexeeya bulshada iyo booliska uu saldhig u yahay ka hortagga dambiyada iyo horumarinta amniga guud.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Degmada Doolow, Maxamuud Xaashi, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Cadaaladda iyo Amniga ee Dowladda Jubbaland, macallimiin, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska.
By Mohamed Yarow Mohamed

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







