Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jubbaland oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay ciidamada halyeeyada Jubaland ee furimaha Hore ku sugan

0
114
Xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Jubaland, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa  booqasho dhiirrigelin ah ku tagay furimaha hore ee Gobolka Jubbada Hoose.
Mas’uuliyiintan ayaa la kulmay cutubyada kala duwan ee Ciidamada Dowladda Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo uga mahadceliyey guulaha ay ka gaareen howlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga.
Waxay ciidamada ku bogaadiyeen geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilloonida deegaannada laga xoreeyey.