Wasaaradda beeraha Jubbaland oo Doolow ka bilowday barnaamij lagu taageerayo beeraleyda

0
110
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa ka bilowday Degmada Doolow barnaamij lagu taageerayo beeraleyda degmada, iyadoo ka caawinaysa adeegga makiinadaha lagu falo beeraha si loo yareeyo culeyska ka dhashay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo kharashaadka wax-soo-saarka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, Mudane Mohamed Mursal Hirsi, ayaa goob-joog ka ahaa howlaha falista beeraha, isagoo kormeeray sida ay shaqadu u socoto isla markaana dhiirrigelin u muujiyay beeraleyda ka faa’iideysanaysa barnaamijkan.
Wasaaraddu waxay qorsheysay in ka badan 500 oo beeraley ah laga taageero falista beerahooda inta lagu jiro xilli-beereedkan, si loo kordhiyo wax-soo-saarka beeraha loona xoojiyo amniga cuntada ee bulshada.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo taageeridda beeraleyda Jubbaland si ay ula tacaalaan caqabadaha ka jira dhinaca beeraha.