
Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Dowladda Jubbaland, gaar ahaan Guutada Gurmad Qaran iyo Kumaandooska Danab, ayaa howlgallo guuleystay ka fuliyey deegaanka Cag-libaax oo qiyaastii 30 KM u jira deegaanka Harboole.
Ciidamada ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray dhagartii maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo dib u furay waddada isku xirta Afmadow iyo Harboole, taas oo mararka qaar maleeshiyaadku si dhuumaaleysi ah u imaan jireen.
Howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ayaa si xooggan uga socda Harboole iyo guud ahaan howdka fog ee ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Sidoo kale, ciidamada ayaa jab culus gaarsiiyey kooxda Khawaarijta kadib markii ay isku dayeen weerarro fulaynimo ah oo ay ku qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku jiray howlgallo lug ah.
Ciidamada ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarradaas, iyagoo cadowga gaarsiiyey khasaare xooggan isla markaana fashiliyey qorshahoodii.
Howlgallada ayaa weli si guul leh u socda, waxaana ciidamada ay sii xoojinayaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga fulinayo howlgalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







