Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo Kismaayo ku soo gabagabeysay tababar lagu xoojinayo doorka haweenka.

0
113
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeysay tababar socday muddo saddex maalmood ah,
Tababarkas ayaa ku saabsanaa Axdiga mudnaanta maamulka, isla xisaabtanka haweenka Dowladda Jubbaland iyo xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee arrimaha dowlad-wanaagga.
Aqoon-kororsigan ayaa loo qabtay haweenka Jubbaland, waxaana munaasabadda xiritaanka goob-joog ka ahaa Agaasimaha Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Kismaayo iyo masuuliyiin kale.
Tababarkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa doorka haweenka ee hoggaanka, maamulka iyo ka qaybgalka go’aan qaadashada dowlad-wanaagga.