
Xubno ka tirsan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Jubbaland iyo Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Hubinta Caafimaadka Shaqaalaha Dowladda Jubbaland.
Xaruntan ayaa ah mid muhiim ah oo ka shaqaysa hubinta iyo daryeelka caafimaadka shaqaalaha Dowladda Jubbaland, iyadoo kaalin weyn ka qaadanaysa badqabka iyo tayada shaqaalaha.
Masuuliyiinta ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay Agaasimaha Xarunta, Cabdiasiis Cabdullaahi Cabdi, oo uga warbixiyay howlaha ay xaruntu qabato iyo adeegyada ay bulshada shaqaalaha u hayso.
Agaasimayaasha Guud iyo Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland ayaa si weyn u bogaadiyay xaruntan oo ay hirgeliyeen dhalinyaro Soomaaliyeed, iyagoo xusay muhiimadda ay u leedahay shaqaalaha Dowladda Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







