
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay tababar ku saabsan Axdiga mudnaata maamulka iyo islaxisaabtanka haweenka Dowladda Jubbaland iyo xoojinta ka-qaybgalka haweenka ee arrimaha dowlad-wanaagga.
Aqoon-kororsigan ayaa loo qabtay haweenka Jubbaland, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Wakiilada Jubbaland Xildhibaan Deeq Isxaaq Aadan, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Degmada Kismaayo, Agaasimaha Arrimaha Bulshada Gobolka Jubbada Hoose iyo Agaasimaha Dowladaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Tababarkan ayaa xoogga lagu saaray matalaadda haweenka, isku-xirka iyo sidii loo xoojin lahaa doorka haweenka ee maamulka iyo go’aan qaadashada. Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo heli lahaa hannaan siyaasadeed oo qeexaya xuquuqda haweenka, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo isku-xirka haweenka Jubbaland.
Masuuliyiintii ka qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenku door muuqda ka qaataan dowlad-wanaagga, nabadda iyo horumarinta bulshada, iyagoo ku booriyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo hoggaanka iyo matalaadda haweenka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







