Agaasimaha waaxda tamarta ee wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha dowladda Jubaland oo degmada Luuq lagu soo dhaweeyay .

0
117
Dhalinyarada Degmada Luuq ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Abdisalan Haji Aden, oo booqasho shaqo ku jooga degmada.
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha ayaa ka warbixiyay howlaha iyo mashaariicda horumarinta tamarta ee ay Wasaaraddu ka waddo Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Luuq, isagoo xusay muhiimadda ay mashaariicdani u leeyihiin horumarka iyo adeegyada bulshada.
Ugu dambeyntii, Agaasimaha ayaa uga mahadceliyay dhalinyarada degmada soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, isaga oo ku boorriyay inay door muuqda ka qaataan horumarka deegaanka iyo taageeridda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada.