Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo Kismaayo ku Qabatay Shir Wacyigelin iyo Hirgelin Canshuurta Sanadlaha ah ee Guryaha

0
116
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland ayaa  qabatay shir ku saabsan wacyigelinta iyo hirgelinta canshuurta sanadlaha ah ee guryaha ee Degmada Kismaayo.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Jubbaland, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland, Guddoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Kismaayo, guddoomiyeyaasha xaafadaha degmada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.