Howlgallada Maalintii 5-aad Ka Socda Jubada Hoose oo Jab Xooggan Lagu Gaarsiiyay Khawaarijta

0
142
Waxaa maalintii shanaad si xiriir ah ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose howlgallo ka dhan ah argagixisada, kuwaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qaybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab.
Howlgalladan ayaa ka socda deegaannada Harboole, Miido, Weelmarow iyo howdka Dhasheeg-Waamo, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada.
Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgaladu socdeen ku guuleystay inay fashiliyaan isla markaana burburiyaan shan miino oo ay argagixisadu ku aaseen goobaha ay howlgaladu ka socdaan.
Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa gabi ahaanba ka cararay deegaannada Qumbi iyo deegaanno kale oo hoostaga degmada Afmadow, kaddib markii ay u adkeysan waayeen cadaadiska iyo howlgalada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa sii wada baacsiga kooxaha argagixisada, iyagoo ku daba jira fariisimaha iyo goobaha ay gabaadka ka dhigtaan maleeshiyaadka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannadaas.
Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, uu shalay tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo ku biiraya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Jubbaland.