
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa maanta qabatay Kulankii 1-aad ee Guddiga Hagidda Mashruuca RLRP ee sanadka 2026.
Kulanka oo uu furay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa lagu falanqeeyay waxqabadkii mashruuca, caqabadihii jiray iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee muddada soo socota.
Mas’uuliyiinta mashruuca ayaa warbixino ka bixiyay heerka uu marayo mashruuca, guulaha la gaaray iyo himilooyinka la hiigsanayo.
Mashruuca RLRP oo ay maalgeliso IFAD ayaa door muhiim ah ka qaata horumarinta wax-soo-saarka beeraha, xoojinta adkeysiga bulshada reer miyiga iyo horumarinta nolol-maalmeedka bulshada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







