
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay munaasabad lagu daahfurayay Xarunta Hubinta Caafimaadka Shaqaalaha Dowladda Jubbaland.
Xaruntan oo ah mid muhiim ah ayaa ka shaqeyn doonta hubinta, daryeelka iyo kor u qaadista caafimaadka shaqaalaha kala duwan ee Dowladda Jubbaland, iyadoo la xoojinayo badqabka iyo awoodda shaqaalaha u adeegaya bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland, Golaha Wakiillada Jubbaland, Guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha, Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Dowladda hoose ee degmada Kismaayo, odayaasha dhaqanka, Ururka Caafimaadka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa sheegay in xaruntan ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarinta adeegyada caafimaad ee shaqaalaha, isla markaana ay muhiim u tahay in shaqaalaha dowladda helaan daryeel caafimaad oo joogto ah si ay si wanaagsan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo.
Ugu dambeyn, waxaa la bogaadiyay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo hay’adaha Dowladda Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







