Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa sheegay in Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay musuqmaasuqday gaadiid iyo agab kale oo deeq-bixiyeyaashu ugu talagaleen kalluumaysatada Soomaaliyeed.

0
307

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Jubbaland, Axmed Xasan Cumar, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay musuqmaasuq uu sheegay inuu ka dhacay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta wasaaradda federaalka, gaar ahaan wasiirka wasaaradda, inay si shaqsi ah u isticmaaleen gaadiid iyo agab kale oo ay deeq-bixiyeyaashu ugu talagaleen horumarinta kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Sida uu sheegay Wasiir Axmed Xasan Cumar, deeqahaasi oo isugu jiray gaadiid iyo qalab loogu talagalay kobcinta wax-soo-saarka kalluumaysiga ayaa hore loogu wareejiyay Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Federaalka si loogu qaybiyo dowlad-goboleedyada dalka, balse ilaa iyo hadda aysan jirin wax gaarsiiyay maamulladaas iyo kalluumaysatada loogu talagalay.
Wasiirka ayaa sheegay in arrintani ay dhaawac ku tahay kalsoonida deeq-bixiyeyaasha iyo dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
Waxa uu xusay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kalluumaysatada, ay xaq u leeyihiin inay helaan taageerada iyo agabka loogu deeqay.
Ugu dambeyn, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jubbaland ayaa ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay si dhow u baaraan arrintan, isla markaana ay la socdaan halka ay ku dambeeyeen gaadiidkii iyo agabkii loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku eedeeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka inay si gaar ah ugu takri-faleen hantidaasi.