Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo maanta qaabilay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya

0
104
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya