
Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo maanta 04 June 2026, yeeshay shirkii todobaadlaha ahaa una Shir-Guddoominayey Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si adag uga hadlay xaaladda Dowladda Federaalka ah, firaaqa sharci ee ay gashay iyo gaar ahaan duullaanka hubaysan ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ku beegsaday Muwaadiniinta, gaar ahaan madaxdii hore ee Dowladda Federaalka.
Dowladda Puntland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka hubaysan ee Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay illaa saakay ku beegsaday guryaha Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Masuuliyadda weerarradaas iyo wixii khasaare ka dhasha waxaa qaadaya Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Puntland oo kamid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay ka digaysaa sii socoshada weerarrada, jajuubka, xariga iyo barakicinta uu madaxweynihii hore ku hayo muwaadiniinta degan Magaalada Muqdisho, waxayna ka tacsiyeenaysaa dadkii ku waxyeelloobay weerarkaasi.
Dowladda Puntland waxay xal u aragtaa in si dhaqso ah looga heshiiyo doorashada hay’adaha Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ee horay waqtigii uga dhammaaday, loona qabto si dhaqso ah, si looga hortago sii socoshada qalalaasaha siyaasadeed iyo khal khalka amni.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







