
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagaga hadlay arrimaha amniga, horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah, ilaalinta deegaanka si looga hortago masiibooyinka ka dhalan kara isbeddelka cimilada, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo-abuurka, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanada Jubaland. Golaha Wasiirrada ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta, horumar dhaqaale, iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee Jubaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







