Madaxweynaha dowladda jubbaland oo kormeeray rugta caafimaadka Jannaa cabdalle, ballanqaadayna horumarinta adeegyada caafimaadka

0
164

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer shaqo ku tagay Rugta Caafimaadka ee deegaanka Jannaa Cabdalle, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay maamulka rugta, howl-wadeennada caafimaadka iyo masuuliyiinta deegaanka.

Madaxweynaha ayaa indha-indheyn ku sameeyay adeegyada kala duwan ee ay rugtu siiso bulshada, isagoo qiimeeyay xaaladda qalabka caafimaadka, daawooyinka iyo baahiyaha jira ee u baahan in wax laga qabto si loo xoojiyo adeegyada caafimaad ee deegaanka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala rugta, kuwaas oo dadaal joogto ah ugu jira u adeegidda bulshada deegaanka, gaar ahaan xilliyada adag ee ay jiraan baahiyaha caafimaad iyo xaaladaha degdegga ah.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in Dowladda Jubaland ay sii wadi doonto horumarinta xarumaha caafimaadka, kor u qaadista tayada adeegyada la bixiyo, iyo xoojinta helitaanka daawooyinka, qalabka caafimaadka iyo tababarrada shaqaalaha caafimaadka. Waxa uu sidoo kale xusay in caafimaadku yahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka bulshada, isla markaana dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso adeegyada aas-aasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.

Bulshada deegaanka Jannaa Cabdalle ayaa soo dhaweeyay booqashada Madaxweynaha, iyagoo muujiyay rajada ay ka qabaan in ballanqaadyada la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanka.