
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa booqasho ugu tagay Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ka howlgala aagga deegaanka Jannaa Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo askarta Ciidanka Daraawiishta Jubaland heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca iyo xoreynta deegaannada Jubaland, isaga oo ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo sidii shacabka reer Jubaland ay ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasillooni.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-gallo lagu xoreynayo deegaannada Jubaland ee ay weli ku sugan yihiin Khawaariijtu, isaga oo ciidamada ku dhiirrigeliyey inay u diyaar garoobaan waajibaadkaas qaran ee horyaalla, si looga miro dhaliyo himilooyinka shacabka Jubaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka xasillooni, amni iyo nabad waarta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







