Wasaaradda Awqaafta Jubbaland oo Kormeertay Goobaha Qaybinta Hilibka Ciidul Adxa

0
138
Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Dowladda Jubbaland ayaa booqatay goobaha lagu qaybinayay hilibka munaasabadda Ciidul Adxa, kaas oo ay masuul ka ahayd Hay’adda Horyaal.
200 neef oo lo’ ah ayaa loogu talagalay dadka masaakiinta ah iyo qoysaska danyarta ah.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Jubbaland, waxaana wehliyay wasiirro ka tirsan Dowladda Jubbaland iyo qaar kamid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed.