Wasiirka caafimaadka Jubbaland oo a kulmay wafdi ka socday machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) iyo hay’ada AFENET

0
175
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) iyo hay’aada AFENET, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarka iyo saameynta barnaamijka Field Epidemiology Training Program (FETP) iyo qiimenta shaqooyinka PEHOC.
Wafdiga uu kulanka laqaatey waxaa hogaaminaayay Abdullahi Sheikh Abdi oo ah Agaasimaha Waaxda U-diyaargarowga iyo Ka-jawaabidda Howlaha Degdegga ah, isla markaana ah Isku-duwaha Barnaamijka FETP ee Machadka Caafimaadka Qaranka, Sidoo kale, dhinaca Hayadda AFENET waxaa kasocday Dr. Kasim Mahdi oo ah wakiilka AFENET Somalia iyo mudane Mowlid Abdi katirsan barayaasha FETP sidoo waxaa goob Joog ahaa kulanka qaar kamid ah saraakiisha wasaaarada.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigey shaqada iyo doorka muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan shaqaalaha lagu tababaray barnaamijka FETP, gaar ahaan dhinacyada la socodka cudurrada, baarista faafitaannada, iyo xoojinta nidaamka caafimaadka dadweynaha.
Warbixinta ayaa si gaar ah diiradda u saartay saameynta muuqata ee ay yeesheen xirfadlayaasha FETP ee ka howlgalaya Dowlada Jubbaland, kuwaas oo door weyn ka qaatay ka hortagga iyo ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda iyo dadaallada joogtada ah ee ay ku horumarinayaan awoodda shaqaalaha caafimaadka dalka. Waxa uu sidoo kale ballanqaaday in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto fulinta soo-jeedimihii iyo talooyinkii ay wafdiyadu soo gudbiyeen, si loo sii xoojiyo iskaashiga iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dadweynaha.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa si weyn u ammaanay shaqada ay hayaan Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Hay’adda AFENET, isaga oo ku tilmaamay hay’ado laf-dhabar u ah horumarinta xirfadaha caafimaadka iyo xoojinta u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dalka.