Wasaaradda dhalinyarada Jubbaland oo Kismaayo ku Qabatay xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL)

0
178
Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowlada Jubaland ayaa magaalada kismaayo ku qabatay xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL), munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu muujinayay doorka dhalinyarada ee horumarka iyo nabadda dalka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowlada Jubaland, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada, Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada, Gudoomiyaha Dhalinyarada Jubaland iyo Gudoomiyaha dhalinyarada degmada Kismaayo.
Waxa kale Oo Munasabada Goob Jog ahaa qeybo Kamid ah Xildhibanada Jubbaland iyo Ururka Hawaynka Jubbaland.
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa dhalinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay kaga jiraan dib u dhiska bulshada, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay xoojiyaan midnimada, waxbarashada iyo ka qeyb qaadashada horumarka dalka.
Ugu Dambaynti Munasabada waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo bandhigyo ka tarjumayay taariikhda iyo halgankii dhalinyaradii SYL.