
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland ayaa soo gabagabeysay shirkii isbuclaha ahaa ee qorshaha qoyska (Quarter Family Planning Meeting).
Shirka waxaa kasoo qeyb galay Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Mudane Garaad Aadan, Madaxa Caafimaadka Taranka, Hooyada iyo Dhallaanka Marwo Najmo Cabdikaadir, saraakiisha wasaaradda, shaqaalaha caafimaadka, xarumaha gaarka loo leeyahay iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirka ayaa maanta looga hadlay dood-wadaag u dhexeeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo shaqooyinkii la qabtay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, iyo caqabadihii lala kulmay, sida looga gudbi lahaa iyo sidii loo hormarin lahaa badqabka iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda wacyigelinta bulshada iyo xoojinta adeegyada caafimaadka taranka si loo gaaro hooyo iyo dhallaan caafimaad qaba.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







