
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Dowladdah Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiin badan, ayaa ka soo jawaabay warqadda casuumaadda ee uu diray Xasan Sheekh, taas oo lagu codsaday in laga wada hadlo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama waqtiga xilkiisa ay ka harsan yihiin maalmo kooban.
Qoraalka golaha ayaa lagu yiri:
Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu hore si niyad-sami iyo daacadnimo leh uga qayb qaatay wadahadallo, xilli uu Madaxweynuhu ku barbar waday tallaabooyin uu si sharci-darro ah ugu beddelayey dastuurka dalka. Waxaa intaa dheer in casuumaadda uu haatan fidiyey uu maalmo ka dib ku dhawaaqay jadwalka doorasho hal dhinac ah, welina ay sii socoto barakicintii danayarta, xarigii dhalinyarada, taas oo caddeyn u ah in casuumaaddu aysan qoraal dhab ahayn, welina uusan diyaar u ahayn wadahadal dhab ah.
Goluhu wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay ka-qaybgal wadahadal dhab ah oo heshiis qaran looga gaarayo doorashooyinka dalka, hase yeeshee wuxuu aaminsan yahay in wadahadal dhab ahi uusan suuragal noqon karin iyadoo ay barbar socdaan tallaabooyin lid ku ah wada-xaajoodka iyo is-afgaradka.
Haddaba, Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu diyaar u yahay wadahadal, haddii uu Madaxweynuhu qaado tallaabooyinkan soo socda:
In uu muujiyo daacadnimo dhab ah oo ku aaddan wadahadalka, joojiyana tallaabooyinka doorasho ee hal dhinac ah ee natiijadeeda la sii ogyahay, balse qof iyo cod ku magacaaban.
In la helo hannaan dhexdhexaadin madax-bannaan oo la isku raacsan yahay.
Goluhu wuxuu si cad u adkeynayaa in heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka la gaaro ka hor 15-ka May 2026 oo ku eg muddada xilka Madaxweynaha. Haddii taasi dhici weydo, Goluhu isaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin masuuliyadeed oo lagu badbaadinayo midnimada iyo jiritaanka dowladnimada dalka

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







