
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah uga furtay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo aqoon-is-weydaarsi diiradda lagu saarayo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha caddaaladda ee dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn.
Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen wakiillo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, hay’adaha dowladda, iyo ururrada aan dowliga ahayn, ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda isdhexgalka hay’adaha caddaaladda, mideynta hababka wada-shaqeynta, iyo tayeynta habraacyada adeegyada caddaaladda ee Jubbaland. Aqoon-is-weydaarsigan waxaa fududeynaya xeeldheere sharci, Saalim Saciid Saalim.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland waxaa ka go’an horumarinta nidaamka caddaaladda, gaarsiinta adeegyada caddaaladda dhammaan degmooyinka Jubbaland, iyo xaqiijinta in muwaadiniintu helaan caddaalad hufan oo loo siman yahay.
Ugu sambaynti Shirka waxaa daahfuray Lataliyaha wasaaradda Caddalada iyo arimaha Dastuurka Jubbaland Mohamed Dahir Ali kaas oo kudheraday nidamka caddalada iyi Garsiinta Qeybo kamid ag Degmoyinka Gobolka Gedo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







