Taliska Daraawiishta dowladda Jubbaland ee Baladxaawo oo u Diyaar Garoobay Howgallo Culus.

0
155
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee gobolka Gedo, oo ay wehliyaan saraakiisha taliska iyo maamulka degmada Baladxaawo, ayaa la hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta ee ku sugan halkaasi.
Ciidanka oo ku jira diyaar garow howgallo culus, ayaa loo jeediyay dardaaran ku aaddan inay si buuxda ugu diyaar garoobaan howlgallada la qorsheeyay, isla markaana xoojiyaan feejignaanta iyo wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo amniga gobolka.